Kulan Deg Deg ah oo ay isugu Yimaadeen Jaaliyadda Koonfurta Soomaaliya DM ee Australia (Sawirro)

Posted by on Dec 3rd, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa magalaada Melbourne kulan degdeg ah isugu yimid Jaaliyada Digil Mirifle, Australia. Shirka waxaa loogu hadlay arrimo la xariiran dhisida dowlada goboleedka deegaanada Digil-Mirifle ee Soomaaliya.

Kulankaan degdeg ahaa waxaa kasoo qayb galay kooram buuxa oo ka mid ah xubnaha Jaalliyadda, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Aweys Sheikh Muxiyadiin Amiin oo ay garab fadhiyeen labadiisa guddoomiye kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim (Sydney) iyo Mudane Cabdi Cabdiraxmaan Sheekh, iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud.

Waxaa shirka ka soo qayb gashay Fadumo Hussein (Faayow) booqasho rasmi ah noogu timid magaaladda Brisbane. Faayow oo in muddo ku maqneed Soomaalya howlo la xariira dhismaha dowlad gobleedka ayaa warbixin ka bixisay qaabka ay u socdaan dhismaha dowlad ee degaanada Digil-Mirifle.

Kulankaan degdegga ahaa laysugu yeeray si qotadheerna halkaa loogu lafaguray wuxuu ahaa howsha dhismaha dowlad-goboleedka Koonfureed ee haatan ka socota Muqdisho iyo qaabkii Jaaliyada door weyn ugu qaadan laheed dhisida maamulkaas.

Muddadii shirka lagu guda jiray ayaa waxaa fursad loo helay in si toosloola hadlo Guddiga Farsamada dhisada dowlad goboleedka ee ay dhawaan soo magacaabeen Malaaqyada iyo Suldaanada Digil-Mirifle ee ku sugan magaalada Muqisho.

Ka qeybgalayaasha shirka waxay warbixin ka dhegeysteen xubnaha Guddiga Farsamda qaar ka mid, iyadoo ayagana talo iyo tusaalooyin siiyey Guddiga, waxayna balan qaadeen in ay gacan balaraan ka gaysan doonaan howshaan muhimka ah.

Goobta shirka waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ka howlgala qaabkii Jaaliyada uga qeyb qaadan lahayd dhisidda dowlad goboleedka.

Shirkaas, waxaa sidoo kale si weyn loogu soo dhaweeyey Jeneral Maxamed Cali Atoosh oo dhawaan ka yimid dalka Soomaaliya. Jeneraalka ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaaladaha soo maray wadanka Soomaaliya laga soo bilaawo 1950 illaa iyo maanta, Jeneraal Maxamed Cali Atoosh waxuu ka warbixiyey xaaladda manta uu marayo wadanka, dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, nabad-gelyada, arrimaha bulshada, iwm.

Jeneraal Atoosh, waxuu Jaaliyada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimada, isixtiraamaan, wax-wada qabsadaan, asagoo ku adkeeyey in ay door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska iyo horumariinta wadanka.

Isaak Hassanow (UNISHEF)

unishef@live.com

Melbourne, Australia.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology