Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar aad u xiiso badan la ciyaaray xulka Qaranka Wadanka Tansaaniya, taasi oo ka tirsaneyd ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.
Ciyaartaan ayaa ahayd mid lawada sugayay waxaana ciyaartoyda Soomaalida soo gaartay guul daro aad u wayn waxaana dhulka ku jiiday xulka wadanka Tansaaniya.
Waxay ku soo idlaatay ciyaartaan waqtigii loogu talagalay 7-0 oo looga adkaaday xulka qaranka Soomaaliya, waxaana ciyaartoyda tansaaniya ay u ahayd maalin farxadeed.
Ciyaartoyda Soomaalida ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan taasi oo ay jecleesteen dhamaanba taageerayaashii u soo daawasho tagay ciyaartaan, waxaana aad kaga liiteen ciyaartoyda Soomaalida xaga weerarka.
Soomaaliya ayaa hada xaqiijiyay in gabi ahaanba ciyaarahaan ay ka hartay maxaa yeelay Soomaaliya waxaa laga adkaaday dhamaanba sadaxdii kulan oo ay la ciyaartay wadamada Burundi Suudaan, iyo waliba Tansaaniya.
Waxaa laga dhaliyay Soomaaliya sadaxdii kulan ay ciyaartay ciyaarahaan ka socda wadanka Uganda 13-gool halka ay dhalisay hal gool oo kaliya waxaana Soomaaliya soo gaaray guul darooyinkii ugu xumaa.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com