Faalo ku Saabsan Wabiyada Juba iyo Shabelle oo Laf Dhabar u ah Wax soo Saarka Beeraha Wadankeena Soomaaliya

Posted by on Nov 24th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar, Wax soo saarka Beeraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaana idinleeyahay akhristayaal dhamaantiin meelkasta aad dunida ka joogtaan, Asalaamu calaykum warax matulaahi wa barakaatuhu akhristayaal waxaan halakan idiinku soo ban dhigayaa maqaal kusaabsan wabiyada shabelle iyo juba.

Waxaan aan kusooqaadanayaa barnaamijkeena maanta wabiyada shabelle iyo juba oo lafdhabar u ah waxsoosaarka beeraha soomaaliya iyo dhibaatooyinka kadhasha fatahaadaha iyo waxyaabaha ay kaga dhiganyihiin dhaqaale ahaan soomaaliya.

Wabiga juba: oo  mara koonfurta soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo bilowdaa  xadka ay soomaaliya ay kalawadaagto dowlada Ethiopia gaar ahan meesha ay isugu daraan wabiyada daawo , ganaane  iyo doori  koonfurta bari ee dalka Ethiopia.

Wabiga juba ayaa  waxaa uu dhacaan dhuul ka uu maro ayaa loo arkaa dhulbeereed ugu qancisan  ama ugu taajirsan wadanka soomaaliya waxaan taas ugu wacan dhulka oo carro san ah lehna keemo iyo dooxooyin ay kunoolyihiin  ugaar farabadan  waana kan ugu badan ee sababa daadadka baabi  iya  tuulooyinka aykunool yihiin baraleyda  goboladaasi  waxaana sidoolkale uu dhibaato weyn ugaysanayaa dalaqyada kuyaalo beeraha gobolada uu maro wabiga juba.

Magaalooyinka uu maro wabiga juba:-

1) Doolow.

2) Luuq.

3) Buurdhuubo.

4) Baardheere.

5) Jilib.

6) Jamaame…….. iyo magaalooyin  kale oo badan .

Wabigaan Wuxuu ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meel la yiraahdo (Goobweyn) oo Kismaayo u jirta 25km. Biyaha webiga ee ku qulqulayo waxay quud iyo nasteexo u yihiin naflayda Badwaynta Hindiya oo uu webiga biyaha cas ku daro kuwa buluuga ah ee badda

Wabiga shabelle :waxaa uu wadanka soomaaliya kasoogalaa  dhuulka buuralayda ah ee dalka ithopiya  waxaana uu soomaraa koonfur galbeed ee dalka ithopiya kor inta uu san soogaalin koonfurta soomaaliya  gobolka hiiraan  .

Webiga Shabeelle dhererkiisu wuxuu gaaraa ilaa 1500km. Wuxuuna maraa magaalooyin farabadan oo dalka Soomaaliya kamid ah.

Magaalooyinka uu maro wabiga juba:-

1) Baladwene
2) Afgooye
3) Jowhar
4) buuloburde
5) qoryooley.)

Wabiga shabelle ayaa waxaa kutiirasan beeraha shabellooyinka iyo hiiraan oo soo saara dalaqyada qudrada iyo geed mirrodka ee muhiimka ah ee soomaliya kabaxa sida canbaha ,liinta iyo mooska.

Labaadan wabi marka laga sootago kaalinta ay kaga jiraan waxsoo saarka beeraha wadanka soomaaliya ayaa hadana mararka qaarkood waxay sababaan waxyeelo aad udaran markii ay garkaarada ay jibiyaan oo ay kufatahaan dhuul beereed iyo tuulooyin ay kunool yihiin beeralayda.

Waxaa Diyaariyey Aadam Abdi ishak (Gentleman)

Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka.

Email: Aadamyare11@hotmail.com

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy
Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology