Waxaa mahad oo dhan usognaatay ilaahay SWT.
Marka labaad waxaan umahadcelinyaa dhamaan akhirtiyaasha kutaxan barnaamijkaan waxsoosaarka beeraha.
Waxaan kusoo qaadanaynaa manta barnaamijkeena Raashinka quutul daruuriga iyo meelaha uu inta badan ay kabaxaan wadankeena.
“Baahida aan reebnee Dhulku waa Barwaaqee aan beero falano soomaaliyey”
Raashiinka qultul daruuriga ee kabaxa soomaaliya ayaa inta badan beeraha ay kasoo go’aan waxay kuyaalaan dhulka wabiyada iyo kuwa kafog wabiyada intaba.
Bixida beeraha iyo waxsoosaarka mirraha ayaa ah mid kuxiran hadba sida uu roobka uu uda’o labada waqti ay beeralayda soomaaliya ay aadku wax ubeertaan ayaa ah guga oo da bilaha kala ah (april may iyo june) iyo deyrta oo kada da soomaaliya bilaha (October ,November iyo december)labaad waqti ayaa loo arkaa kuwa waxsoosaarka badan beeraha soomaaliya iyadoona ay de aan roobab aad ubadan .
Dhulka koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ee loo arko kan ugu horeeya waxbeerashada ayaa looqeybiyaa 3-qeybood oo kala ah .
1)dhulka kuteedsan xeebaha oo ay kabaxdo digirta oo xoogaha lagana soosaaro lowska .
2)labada shabelle iyo jubooyinka oo ah dhulka ay maraan wabiyada oo leh beero waraab ah oo ay kabaxaan masagada ,sisinta iyo mirraha kale ee lasuugeyo ee afka qalaad lagu yirahdo (cash crops) oo markiiba laguhelo lacag .
3)dhulka baay iyo bakool ee koonfur galbeed soomaaliya oo sigaar ugu can baxay waxsoosarka masagada ,galleyda ,digirta .
Cuntada quutul daruuriga ah gaar ahaan badarka sida (galleyda ,masagada ,bariiska ,sisinta iyo digirta) ayaa ahaa mudo dheer dalaqyada ay beertaan shacabdka soomaaliyeed.
Hadaba dalaqyadaan waxay intooda badan kukalabaxaan .
Masagada waxay si aad ah ugu baxdaan dhulka kafog wabiyada jiinkooda .
Galleyda waxay kabaxdaa dhulka inta armadowga ee u dhow dhow wabiyada ee helikarta waraabka ayey sifican ugu baxdaa.
Beera roobaad kuyaala gobolada bay iyo bakool ayaa waxaa lagu yaqaanaa beerista masagada ,galleyda iyo digirta oo ay caankuyihiin oo ay kufaanaan dadka goboladaasi.
Wadankeena waa barwaaqo ee aan kafa’idaysano.
Waxaa Diyaariyey Aadam Abdi ishak (Gentleman)
Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka.
Email: Aadamyare11@hotmail.com
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com