Anagoo ah Jaaliyada Koonfurta Soomaaliya ee Dalka UK Waxaanu halkan Tacsi tiraanyo leh uga diraynaa Eheldii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Malaaq Isaaq Ibraahim oo Jimcihii aanu soo dhaafnay Arxan laawayaal ku Dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Malaaq Isaaq Ibraahim Waxaa lagu Yaqaaney Nabadeeyn iyo is Ixtiraamida Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolada Koonfurta Soomaaliya wuxuuna door Muhiim ah ka Ciyaaarey soo Xulistii Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Mustafa Sheekh Mad Midow oo ah Afhayeenka Guud ee Jaaliyadda Koonfurta Soomaaliya ee UK ayaa Dilkaas ku Tilmaamay mid Naxdin Badnaa kana mid ah Xaqabtirka lagu Hayo Aqoonyahanada iyo Waxtarka Qowmiyada Digil iyo Mirifle.
Ugu Dambeyntii Afhayeen Mustaf Sheekh waxa uu Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu Baaqay si Walba ay ahaato in Cadaalada la Horkeeno Gacan ku Dhiiglayaashii Dilay Malaaq Isaaq Ibraahim iyo sidoo kale Cidii soo Abaabushay.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com