Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Yaasiin Maxamed Aadan, oo la Dhashay Siyaasigii Caanka ahaa ee Soomaaliyeed C/qaadir Maxamed Aadan (Zoobe).
Marxuum Yaasiin Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Digil iyo Mirifle ayaa saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday hoygiisa Muqdisho kadib markii uu in muddo ah xanuunsannayay, sida uu noo xaqiijiyay Mid kamid ah Wiilashiisa.
Yaasiin Sheekh ayaa lagu xasuustaa sidii uu u Jeclaa marwalba in Dadyowga Digil iyo Mirifle ay iskugu Duubnaadaan ayna marwalba ahaadaan kuwa isku Xiran.
Allaha u naxariistee Meydka Marxuum Yaasiin Maxamed Aadan ayaa isla maanta loo Qaaday magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana Saacadaha nasoo aadan lagu aasi doonaa Qabuuraha Abow Asharow ee magaalada Baydhabo.
Marxuum Yaasiin Wuxuu Ifka kaga Tagay Hal Xaas, Shan Wiil iyo Seddax Gabdhood oo uu Dhalay.
Maamulka iyo Howlwadeenada Shabakada Warbaahinta Ishabaydhaba.com waxay ka Tacsiyeynayaan geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Yaasiin Maxamed Aadan, eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegayna ilaah uu samir iyo Iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com