Isbedelka Siyaasadeed ee Soomaaliya Ma Saameyn Doonaa Awood Qeybsiga Wasiiradda Digil iyo Mirifle

Posted by on Oct 17th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Qowmiyad-weynta Digil iyo Mirifle,waa beelo wada-dhashay oo walaala ah, kana fog sida Dadka Soomaalida qaarkood aay u sheegaan ama u fasiraan,in ay yihiin DM dad soomaaliyeed oo isutagay oo ka kooban beelaha soomaalida.

Runtii waa fikrad larabo in lagu kala fogeeyo laguna kala qeeybiyo, hadii aan u soo noqdo dulucda warkeeyga Digil iyo Mirifle,waa ummad Dhalasho, Diin, Af iyo wax walba ka dhaxeeya, hadana waxbaa si ah! oo aan si cad u muuqanin, laakin la arki doonee.

Niicawda Isbedel Siyaasadeedkan cusub, ee haatan dalka ka biloowday, wax saameeyn ah ma ku sameeyn doonaa Digil iyo Mirifle dhexdooda.

Sida Taariikhda ku sugan Digil iyo Mirifle, laga soo bilaabo Qarnigii Sagaal iyo tobanaad, ilaa iyo Maantadan, waxa aay yihiin kuwa isku weel ah, oo hal weel siyaasadoodu tahay, waxeey qeyb ahaan awooda-siyaasada soomaaliya u yeesheen Jagada ah, Af-hayeenka baarlamaanka, oo aan ognahay in aay tahay Jid-gooyo, loodhigay Digil iyo Mirifle si eeysan hami iyo damacba ugu soo galin, labada jago ee ugu sareeya waa (Madaxweyne iyo Raisul-wasaaraha), sida haatanba dhacday oo Shariif Xasan, Jawaari Taako loogu dhigay.

Jagada Afhayeenka oo ay Digil iyo Mirifle saamiga uyeesheen, sida Taariikhda qoreeyso, ilaa iyo Maanta Kursigaasi waxaa ku fadhiya walaalaha Reer-Mirifle, marna uma aysan u hambeeynin Walaalaha Reer Aw-Digil, wax fursad ahna uma aysan siinin Kursigaasi, waxaa la  is weeydiinayaa, waxa u diiday, Walaalaha Reer Aw-Digil Kursigaasi in aay ku fariistaan xitaa hal mar, Ma- Aqoontooda iyo Kartidooda ayaan gaarsiisneeyn in ay kursigaasi u matalaan Digil iyo Mirifle.

Hasha  Maankeeyga  Gadayee Ma  Mansaar  Beey  Liqday!!

Laga soo bilaabo Sanadii (2000), oo lagu soo dhisay Dowladii Carta ee D’Jabuti, ilaa iyo Maanta saamiga Wasiirada Digil iyo Mirifle ay qeeyb ahaan u yeesheen, mar walba si aan Miisaamaneeyn ayaa loo qeeybiyaa, iyadoo walaalaha Reer Aw-Digil qeeyb ahaan walaalahood Reer Mirifle aay ugu qoondeeyeen Hal wasiir Halka wasiirna Gacanta laga saaro Reer-Dabare, saamiga Reer Miriflane aay wadada u fadhiyaan Reer Leeysaan, Hadame iyo Eelaay ama Xariin iyadoo aay jiraan beelo ka mid ah Digil iyo Mirifle oo aan waligood loo Dha-dhansiinin, sida Beelaha Galedi iyo Bagadi, Beelahaan oo aan marna la qarin karin Doorka iyo Miisaanka Siyaasadeed oo aay ku leeyihiin Qowmiyada dhaxdeeda iyo Soomaalida guudba, waxaa in la xasuusta mudan Doorkii iyo Miisaankii aay ku lahaayeen Taariikhda siyaasadeedka Qowmiyada Digil iyo Mirifle, hadii aan wax ka xusno,waxaa ka mid ahaa:-

Halyeeygii Aas-aasay, Xizbigii (HDMS) Xizbiya, Sheekh C/llaahi Sh.Maxamed (Bagadi) Daljirka Dahsoon, Naftiis-hore Ustaad Usmaan Maxamed Xuseeyn, Jeeylaani Sh.bin-Sheekh, Sheekh Maxamed Sh.Axmed Baafo, Geesi,Avv,Dr,Cabdi Muuse Mayoow, Hogaamiyihii Bayaankii Labada-Webi iyo Gudoomiyihii Jabhadii (SDM)

Gunaanudka warkeeyga, waxa uu yahay Niicaawda Isbedelka wadanka ka dhacaya, Digil iyo Mirifle, isdulminta ka dhax jirta dhexdeeda wax maka bedelayaa (waa qeybsiga saamiga Wasiirada Xukuumada Cabdi Faarax Saacid ee la filaya saacadaha soo socda)?!!

DULMI-DIID  OO  DULMI  DOON AH.

Waxaa yaab ah, Dad Dulmi-diidayaal wada ah, oo iyaga dhexdooda isdulminaaya, iyadoo Qowmiyada Guud ahaan Dulmi, Xaqdaro iyo Dhul-boob baahsan lagu haayo ayaa dhaxdooda Xafiiltan iyo (0.5) oo aan micna badan sameeyneeynin isku haya, isdulmintaasi iyo isyasidaas, Qowmiyada dhaxdeeda, Niicaawdaan socota wax maka bedeli doontaa.

WAX RAAGAY  RAG  WAX KUMA TARO.

Eng. Deey-deeysamow.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology