Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulan maanta ay xildhibaannada ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa ka dalbaday madaxweyne Xassan Sheekh in uu dhaqse u horkeeno baarlamaanka ra’iisal wasaaraha cusub.
Fadhigii ay maanta ay yeesheen xildhibaannada ayaa dood kadib la isku raacay in marka hore ra’iisul wasaaraha la horkeeno baarlamanaka si cod loogu qaado, iyadoo tani ay imaanayso xilli toddobaadkii hore uu baaqday kulan la doonayay in ra’iisul wasaaraha cusub uu baarlamaanka ku horyimaado si looga dhageysto waxqabadkiisa iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.
Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha uu doonayo in mar kaliya ra’iisal wasaaaraha iyo gollihiisa wasiirada oo wada socda la horkeeno baarlamaanka.
Laakiin waxaa muuqata in xildhibaannada baarlamaaanka Soomaaliya ay doonayaan in marka hore la hor keeno ra’iisal wasaaraha ka hor inta uusan soo dhisin golihiisa wasiirada.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com