Ururka ardayda Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa xaflada qalanjibin ah usameeyey ardayda kasoojeeda koonfur galbeed ee ka qalanjibiyey Jaamacadaha kala duwan ee wadanka Suudaan.
Xafladaan oo aheyd mid aad loo soo agasimey oo lagu qabtay caasimada Suudaan ee Khartuum waxaana xaflada ay ka dhacday Hoolka weyn Ribaad al-wadani oo intabadan lagu qabto xafladaha iyo shirirka waa weyn, waxaa kasoo qeybgalay arday badan oo wax ka barata wadanka Sudan oo isugu jira wiilal iyo gabdho kala qeyb qaadanaayey asxbtooda dhamaysatay waxbarashada Jaamacadeed, waxayna isugu jireen kuwo dhameyey heerarka kala duwadan ee waxbarasho kuwo ka qalanjibiyey Bachlor, Master iyo High Diploma.
Sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Madax ka socotey midowga ururka ardayda soomaaliyeed wadanka suudaan masuu’liyiin kasoctay ururada kajira suudaan iyo macalimiin wax kadhiga Jaamacadaha kuyaal magaalada Khartuum, waxaa hadal dardaaran ah meesha kasoojeediyey oo uu kala dardanmaayey ardayda dhamaysatay waxbashada Dr.Huseen bashiir oo sifican loogu yaqaano magaalada Khartuum waana bare kamid ah macalimiinta Soomaalida wax kadhiga Jaamacada lagu magacawo international university of africa oo arday badan soomaali ah ay dhigtan waxaana uu sheegay Dr.hussen inay noqdaan ardayda kuwo wax uqabta dadkooda iyo wadankooda si daacadnimo ah sidookale waxaa meesha hadalo dhiiro gelin ah ka soojeediyey Dr. Aadan Azhari oo ka mid ah daka sida aadka looga yaqaano Khartuum iyo madax kasoctay ururka ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Suudaan oo bilo ka hor ladoortay.
Ugu danbeyntii Xaflada ayaa ku dhamaatay si heersare ah.













Aadam Gentleman: Ishaabydhaba.com
khartum -Sudan
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com