Beesha Disow oo Shir Balaaran ku yeeshay Magaalada Minnetonka ee dalka Mareykanka (Sawirro)

Posted by on Jul 23rd, 2012 and filed under America, JAALIYADAHA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Beesha reer Disow  ee Boqol-hore  ayaa magaalada Minnetonka ee Gobalka Minnesota oo illaa 10 mile ujirto magaalada  Minneapolis ayaa 07/14/12 waxaa ugu qabsoomay shir wadatashi ah.

Shirkan ay beesha reer Disow  ee Boqol-hore ku yeelatay magaalada Minnetonka, ee Gobalka Minnesota, oo ahaa mid aad iyo aad loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka,Waxgaradka, Aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Odayaasha shirka ka qeyb galey kana Hadley waxaa kamid ahaa: Malaaq Muqtaar Maxamed Aadan, Maxamed Cali Diriyey Iyo Odayaal kale oo badan.

Aayado Qur’aan ayaa waxaa shirka ku furay oo akhriyey Maxamed Cabdullahi Maxamed, kadib shirka waxaa si toos ah u furey Gudoomiyaha Jaaliyadda Reer Disoow ee Dalka Mareykanka Mr. Xasan C/raxmaan Iimaan (azirow) oo ka Hadley Muhiimadda ay leedahay Isku duubnida, iyo dhibaatada ay leedahay tafaraaruqa, isku dhabar-jeedinta iyo dhowr arimood oo ku saabsan danaha mustaqbalka  iyo kan hada, asagoo weliba ka hadley dhowr arimood oo ku faah faahsan halkaan.

1. Sidii ay Jaaliyadda (Gothowne.) uga wada shaqeyn lahaayeen Danta guud oo la’aanteeda aaney cidina hor umar gaari Karin.

2. Sidii ay ku hormarin lahaayeen xiriirkooda Jaaliyadeed kan dalka mareeykanka  iyo dibadaba.

3. Sidii loo heli lahaa wax ka qabad dhab ah dhibka ka jira wadanka Soomaaliya Gaar ahan dhulka ay ka soo jeedo Jaaliyadda Gothowne:

a. Sida looga hor tagi lahaa Biyo la’aanta baahdey.

b. In Wax Laga Qabto Dhinaca Wax Barashada.

Waxaa sidoo kale halkaasi hadal ka jeediyey Malaaqa beesha Malaaq Muqtaar Maxamed Adan kana hadley arimahaan iyo sidi loogu sameyn lahaa gurmad dadka tabaaleysan iyo sidii loola sameyn lahaa xariir deg deg ah qofkasta oo ku abtirsada beesha uuna sheegey arintaan in  ay guul tahay loona wada istaago  wajibka naga saaran sidii wax loogu qaban lahaa, waxaa uu intaa sii raaciyey in ay mas’uuliyad saaran tahay qof kasta oo U dhashey beesha reer Disoow inuu xil iska saaro mas’uuliyada ka saaran arintaan.

Waxaa kale oo halkaa ka hadley Mr. Maxamed Cali Diriyey uuna ku booriyey dhalinta beesha iney ka tashadaan mustaqbalkooda sidii ay u sameysan lahaayeen isku duubnaan si ay uga arimiyaan waxa ka socdo danaha iyo ayaaha mustaqbalkooda iyo dhibaatooyinka soo wajahi kara beesha xili kasta, wuxuuna ku tilmaamey dhalinta iney yihiin markasta hogaanka beesha ay ka dhasheen ayna guul u keeni karaan markasta.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen Odayaasha, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dhamman Waxgaradka kasoo qeyb galey shirkaas sidii ay ugu xirmi lahaayeen Jaaliyadaha kale oo ku Abtirsada beelaha Boqol-hore/D&M sidii ay u wajahi lahaayeen dhibaatada iyo abaaraha soo Noq-noqda waxaa gaba-gabadii shirka uu ku dhamaadey Guul iyo is Afgarad.

Jaaliyadda (Gothowne) ee Mareykanka.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy
Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology