England; Shir aad ii aad loo soo agaasimay oo la isaga yimid gobolada Ingiriiska oo idil ayaa waxa uu ka dhacay Casimada labaad ee Birmingham Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay sidii beesha ay u samaysan lahayd Mamul loo wada dhanyahay kadib markii ay soo baxeen aragtiyo badan waxaa lagama maar Maan noqotay in shir la is kugu yimaado, waxaa uu shirka ku bilaawday sidaan, aayado quran oo uu akhriyay
Sheekh; Ilyaas Cali Nuur, kadib waxaa hadana lagu soo dhaweeyay, Sheekh Cabdulaahi Macalin oo isagana soo jeediyay Muxaadro gaaban oo ka hadlaysa Midnimada in ay tahay wax wanaagsan intaa Kadib ayaa waxaa si toos ah loo guda galay Ajandaha Shirka, Falan qayn badan waxaa lagama maar Maan noqotay in halkaa looga dhawaaqo Mamul wax u qabta beesha waxaa la isku afgartay in la doorto Marka hore Malaaq, kadibna la doorto Gudoomiye iyo Gudigiisa oo ka kooban todobo xubnood wada Socda marka hore waxaa Malaaq loo doortay,
1= Cabdulaahi Macalin Maxamed (Malaaqa)
2= Aadan Cali Buule (Gudomiyaha)
3= Maxamed Cabduqaadir Maxamed (Zoobe)(Kuxigeenka)
4= Mustafe Sheekh Madmidow (Xoghayaha)
5= Cabdiraxmaan Mustaf Ibraahim (Qasnajiga)
6= Ilyaas Saciid Cali (Afhayeenka)
7= Cabdirisaaq Macalin Aadan, iyo Cabdulaahi Macalin Cabdi oo ah Xubna joogta ah
Doorashada waxa ay ku dhamaatay si wanaagsan waxaa Khudbad dheer halkaa kasoo jeediyay Malaaq Cabdulaahi Macalin oo ka hadlay sidii howsha aadka u Culus lays kula shaqayn lahaa Gudiga iyo dadka Kale oo u dhax mari lahayd wada shaqayn buuxda kadib waxaa hadalkii Qabsaday Gudoomiyaha oo Isagana ka hadlay in lagama maar maan tahay in lawada shaqeeyo oo aysan far kaligeed waxba qaban Karin guntii ii gaba gabadii waxaa la isku afgartay in gudiga ay kulan kale isagu yimaadaan Kulan kaa oo Ah mid lagu diyaarin doona dastuurkii lagu shaqayn lahaa iyo sidii howsha loo dar dar gilin lahaa
Iyadoo shaqada ugu horeyso ay noqon doonto samafal iyo sidii loo hor marin lahaa wax qabadka Beesha Boqolhore ay u baahan tahay hadey ahaan lahayd isku xirka beesha meel walba ay kaga nool yihiin aduunka



