Fadel Shaker oo ah fanaanniinta ugu caansan aduunka gaar ahaan dalalka carabta ayaa sheegay in uu ka toowbad keenay howlaha fanka.
Fadel oo ah heesaa reer Lubnan ah ayaa ku dhawaaqay inuu go’aansaday inuu iska dhaafo heesaha waxana uu badalkeeda go’aansaday in uu noqdo qof u adeega diinta Islaamka.
Fanaanka Fadel Shaker ayaa wareysi uu siiyay Tv-ga Al Rahma ee dalka Masar waxaa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo afjaro waayihiisii fananimada.
Waxaa uu balan qaaday in uusan mar danbe heesi doonin taas badalkeedana uu noqon doono qof diinta islaamka u adeega waxaana uu ka shalaayay wixii uu soo maray.
Arintaan ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay malaayiin qof oo muslimiin ah oo ku nool daafaha aduunka.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com