Sheeko Xiiso leh oo ka dhacday America

Posted by on Jun 14th, 2011 and filed under America. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Ahuur Jabriil waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minisoto ee cariga Maraykanka, waxayna gobolka Minisoto intii ay joogtay ay la-kulantay dhacdo cajiib ah h addaba iyadoo ka hadleysa sidii ay wax ugu dhaceen

 

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar weyne, waxaan dalka Maraykanka soo galay sanadkii 1997-kii, anigoo halkaasi ka bilaabay waxbarasho iyo shaqo.

Soomaalida joogta wadanka Maraykanka ayaa waxay ku waalan yihiin aroosyadda ka dhaca dalkaasi, anna waxaa kamid ahaa gabdhaha aalaaba ka qeyb gelli jiray xafladaha arooska ah ee ka dhaca dalkaasi, gaar ahaan gobolka Minisoto oo ay ku badan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Mar walba oo aan arooska ka qeyb gallo, isla-markaana aan guriga u soo laabto ayaa waxaa ku riyoodaa anigoo leega zineysanaayo, dhacdadaasi aad iyo aad ayaan ula fajacay, waxaana dhacdadaasi isku arkaa marka aan aado aroos.

Habeen walba oo aan aroos ka qeyb gallo, isla-markaan aan guriga u soo laabto ayaa waxaa caado ii noqotay inaan ku riyoodo, aniga oo la ii galmoonaayo, xaqiiqdii aad baan ula fajacay.

In ka badan 20 jeer markaan isku arkay dhacdadaasi foosha xun, ayaa waxaa u tagay Macalin dugsi Qur’aan dhiga, waxaana u sheegay dhibka i heysta, xaqiiqdii Macalinka oo ahaa nin Caqli badan, isla-markaana wax garadka ah, ayaa inta uusan wax jawaab ah i siinin i weydiiyay, marka aan arooska aadaayo waxa aan sameeyo, waxaana u sheegay caadiyan inaan qaato dhar wanaagsan, sidoo kalana aan marsado noocyada ugu carafta badan ee barafuunka ama cadarka, isla-markaana waxaa dalka Maraykanka caado ka ah, aroos kasta in lagu aado dhar cusub.

Macalinka ayaa wuxuu igu jawaabay soo Nabiga muusan dhihin �NNKH� haweenka marka ay meel aadaayaan, ama ay baxaayeen yeesan wax yaabaha carfoon marsan, haddii kale waxay noqonaayaan kuwo laga soo zineystay, Xilligaa wixii ka dambeeyay ayaa waxaa go�aan cad ka qaatay inaan aadin aroos oo dhan, markaas ayaana igu dambeysay inaan aado aroos oo dhan.

Fiir Gaar ah: Dhacdadaan ayaa waxay ku socotaa haweenka Soomaaliyeed, isla-markaana ha�idnkugu filnaato digniin oo idil

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology