Kadib dagaaladii ka dhacayay maalmahani dambe magaalada Muqdisho ayaa jiidaha dagaalka gaar ahaan deegaanadii lagala wareegay Alshabaab waxaa booqanayay Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Maanta ayaa waxaa booqday degmada Boondheere gaar ahaan jiidaha dagaalka Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isaga oo kula hadlay halkaasi Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya khudbad dheerna u jeediyay.
Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ay Alshabaab kula jireen, waxaana uu u ballan qaaday in ay taageero buuxda la daba joogaan oo aysan ilaabeynin kuwa geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay.
Ra’iisal wasaare Farmaajo ayaa Shacabiga ku wargeliyay in Guulaha dowladdu ay gaartay ay ku gaareen taageerada Shacabka sidaasi daraadeedna aysan hakin doonin hawlgallada oo ay horey u sii socan doonaan dagaaladuna ay sii wadi doonaan inta dalka laga saarayo Alshabaab.
Booqashada ra’iisal wasaare Farmaajo uu maanta jiidaha dagaalka ku aaday ayaa qeyb waxa ay ka tahay siyaasadda cusub ee Xukuumadda Farmaajo maalmahani ay kawado gudaha dalka gaar ahaan siyaasadda ay ku dooneyso in sanad loogu kordhiyo waqtiga ay xilka hayaan.


