Archive for the Category ‘SHEEKOOYIN XIISO LEH’

Dad Alloow Bal Hooyaday Miido Maleeya (Sheeko).‏ By: Maxamed Sheekh

Dad Alloow Bal Hooyaday Miido Maleeya (Sheeko).‏ By: Maxamed Sheekh

A.W.W.    Miido waxay ahayd hooyo ay ku kuleem (gabow – cuuryaan’nimo iyo indha la’aan) oo aan iskeed isu dabbari karin, lana noolayd wiil ay dhashay, xaaskiisi iyo dhawr canug oo uu dhalay. Waa xilli colaadeed oo nin gaashaan-qaad ah iska daaye wiilasha 13 iyo 14 jirrada ahaa aan xitaa la badbaadinayn. Soomaalidii hore in […]

Haahhh Baalal Yare, Wallee Waa Isoo Karay (Sheeko Cajiib Ah).‏ By: Maxamed Sheekh

Haahhh Baalal Yare, Wallee Waa Isoo Karay (Sheeko Cajiib Ah).‏  By: Maxamed Sheekh

A.W.W.  Soomaalida dhexdeeda iyo dunida inteeda kaleba waxaa sida qaalibka ah dhaarta loo isticmaalaa laba nooc. 1 – Mid ballanqaad xambaarsan oo qofka lagu dhaarinayo in uu xilkii loo xilsaaray si daacadnimo leh u gudayo, waana nooca inta badan la marsiiyo dadka qabanaya xilal-ummadeed sida Boqorrada – Madaxweyneyaasha – Raysulwasaareyaasha – Wasiirrada – Agaasiimeyaasha – […]

Gurigeenna Iigu Imoow Baan Kugu Iriye Ma Reerka Dhanba Gub Baan Kugu Iri? (Sheeko) By: Maxamed Sheekh

Gurigeenna Iigu Imoow Baan Kugu Iriye Ma Reerka Dhanba Gub Baan Kugu Iri? (Sheeko) By: Maxamed Sheekh

Qisadaan waxaa iiga sheekeeyey ninkii ay ku dhacday, asagoo ka hadlayey sida reer-baadiyahu kooda xad-gudba u maxkamadeeyaan, qaladkiisiina ay oogu xukumaan. Wuxuu yiri: Anigoo magaaladii aan ku noolaa ka tagay ayaan xilli gu’ barwaaqo ahaa reerkeenniyoo baadiye degganaa u tagay. Markii aan maalmo kooban la joogay oo aanan xoolihi si dhab ah u raacaynin ee […]

Dufloow Qoodhiyo Xero Beel (Sheeko Xiiso Badan). By: Maxamed Sheekh

Dufloow Qoodhiyo Xero Beel (Sheeko Xiiso Badan). By: Maxamed Sheekh

A.W.W.  Nin doobnimo ku waynaaday oo aan reer yeelan ayaa wuxuu lahaa dukaan xaafad ku dhex yaallay oo dukaammada kalee la midka ahaa aad ooga cammir’naa, waxayna saaxiibadiis su’aali jireen waxa ku dhacay ee asagoo masruuf reereed awoodi karaya uu guurki iskugu dayi la’aa?…. goormaan xalwaddaada cunaynaa? iwm, wuxuuna asagoo warkooda garwaaqsanaa, niyaddana guurki ka […]

Amar Guddoomiye (Sheeko) By: Maxamed Sheekh

Amar Guddoomiye (Sheeko) By: Maxamed Sheekh

Dalkeenna Soomaaliyeed waa mid baaxad ahaan aad u weyn markii loo eego dalal badan oo Dunida ku yaal, waxayna dadkeennu u badan yihiin saddexda nooc ee kala ah: 1 – Xoolo-dhaqato, 2 – Beeraleey, iyo 3 – Kalluumaysato. Sidaas darteed maadaama degmooyinkeennu masaafo ahaan ay aad u kala fog-fog yihiin waxay dadkeennu isaga war-hayaan ama […]

Dawacooy Afku Dufanleey (Sheeko Xariir) By: Maxamed Sheekh

Dawacooy Afku Dufanleey (Sheeko Xariir) By: Maxamed Sheekh

Reer-miyiga Soomaalidu waxay leeyihiin sheekooyin falsafadeysan oo intooda badan ka hadla bay’addooda ayna jilayaal uga dhigaan xayawaannada dhulka kula nool ee uu dugaaggu ka midka yahay. Sheekooyinkaas waxay u qaybsamaan dhawr nooc waxaase oogu muhiimsan noocyada maadda ama qosolka xambaarsan iyo noocyada cabsida xambaarsan iyo kuwa ay labadaas noocba ku kulansan yihiin, waxayna u sii […]

Gurbiga Minka Ha Geli (Ratiga Guriga Soo Geli).‏ By: Maxamed Sheekh

Gurbiga Minka Ha Geli (Ratiga Guriga Soo Geli).‏ By: Maxamed Sheekh

Sheekadaan waxay ka dhacday baadiyaha (Ufuroow) ee ka tirsan Degmada (Qansax-dheere), waxaana annagoo dhallinyaro ahayn nooga sheekeeyey oday waaya-arag ahaa, dhul badanoo geyiga Soomaalida ka mid ahna maray, dadka iyo deegaannadoodana aad u kala yaqaannay, isla markaana ahaa suugaan-yahan, ahaana midka ay qisaduba ku dhacday ee lagu amray inuu ratiga guriga soo galiyo. Inta aanan […]

Gobolka Bakool Iyo Macnaha Magaciisa. By: Maxamed Sheekh

Gobolka Bakool Iyo Macnaha Magaciisa. By: Maxamed Sheekh

Gobolka Bakool waa mid ka mid ahaa 18kii Gobol ee jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, isla markaasna waqtigaan la joogo ee federaalka la noqday ka sii mid ah 3da Gobol ee uu maamulka (Koonfur-galbeeg) ka kooban yahay, kuna yaalla goob aad istiraatiiji u ah, hodanna ku ah xoolaha nool iyo beerahaba, isla markaana safka hore kaga jira meelaha […]

Aqoon Ku Saleysan Tayeynta Khayraadka. By: Maxamed Sheekh

Aqoon Ku Saleysan Tayeynta Khayraadka. By: Maxamed Sheekh

A.W.W. Aqoonta aadmigu waxay soo martay heerar kala duwan oo salka ku haysay hadba nooca ay u noolaayeen, waxaana jiray noocyo aqooneed oo aad u tira badnaa oo adduunka ka suulay, haddii ay ahaan lahaayeen kuwo sababsaday qoomankoodii la halaagay oo ay raaceen iyo haddii ay ahaan lahaayeen kuwo ummaddi lahayd ay si tartiib-tartiib ah […]

Kangaa Walaagoo Yar Bini-aadang Inneg. (Kanaa Wax Yar Bini-aadan u Eg)‏ By: Maxamed Sheekh

Kangaa Walaagoo Yar Bini-aadang Inneg. (Kanaa Wax Yar Bini-aadan u Eg)‏ By: Maxamed Sheekh

As – war – Wa barakaatuhu. Akhristayaasha qiimaha iyo qaddarinta mudanoow, wali dhacdooyinkii (Boonkaay) baan idiin wadaaye Markii aan madaxa la soo kacnay ee xarragadii dhallinyaranimo billaawnay ayaa waxyaalaha aan aadka ooga taxaddareynay waxaa ka mid ahaa timaheenna. In kastoo uu xerada ka shaqeynayey askari tima-jare ahaa haddana ardada oo badnayd darteed hawshiisu ma ahayn […]

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology