
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa kulan ay maanta ku yeellan doonaan xarunta gollaha shacabka in ay codka kalsoonida u qaadaan xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Dood kulul ayaa la fillayaa in maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka yeeshaan wixii u qabsoomay xukuumada uu waqtiga jirta, iyadoo marka danbana codka kalsoonida loo [...]

Degmada Buur-hakaba oo kamid ah Degmooyinka Gobolka Baay ayaa waxay maanta Yeelatay Mas’uuliyiin Cusub oo bedelay Mas’uuliyiintii hore. Mas’uuliyiinta Maanta loo Doortay Degmada Buur-hakaba ayaa waxay kala yihiin Sidaan:- Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba: Axmed Maxamed Yuusuf Gudoomiyaha Amniga: Xuseen Maxamed Cali Gudoomiyaha Dhaqaalaha: Naasir Cismaan Hilowle Doorashada ka dhacday maanta Degmada Buur-hakaba waxaa goobjoog ka ahaa [...]

Waxaan la soconaa in 5-February Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu u Magacaabay Aqoonyahan Cabdi Aadan Hoosow Gudoomiyaha Gobolka Baay, Hoosow oo lagu doortey aqoon iyo karti uu u leeyahay xilka loo magacaabay ayaa waxaa maalmahaan dambe aanu aragnaa websityo caadiyaystay ku xadgudubka sharafka Gudoomiye Hoosow. Hadaba iyadoo aan la dafiri karin Kartida [...]

Kadib markii todobaad ka hor magaalada Kismaayo looga dhawaaqay labo Madaxweyne oo is garab sacoto oo maamulka jubaland Madaxweyne ka noqon doono taasi oo sababtay in uu khilaaf xoogan ka dhasho. Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 18 bishaan ka hadlay labada Madaxweyne ee looga dhawaaway maamulka Jubaland ayuu sheegay in dowladiisa ka soo [...]

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa maalintii labaad howlgal lagu adkeynayo ammaanka ka wada degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Ciidanka ayaa howlgal guri guri loo baarayo ka wada degmooyinka Warta-nabadda, Yaaqshiid, Suuqa Xoolaha iyo xaafadda Xamar-jadiid, waxayna xireen waddada Warshadaha. Howlgalka ayaa lagu qabtay dad badan oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin [...]

Haweenayda xaaska afar iyo tobnaad u ah Boqorka dalka aadka u yar ee Swaziland oo ku yaala koonfurta Afrika, looguna yeero sida sharciga dalkaasi dhigayo Marwada Afar iyo tobanaad ee boqorka ayaa ka baxsatay dalkeeda isla markaana codsi qaxootinimo waydiisatay, hay’ada qaxootiga iyo soo galootiga u qaabilsan dalka Britain. Sida ay ku warantay jariirada (Mail [...]

Gununuca Prof. Ex.Xildhiban Gaandi, Galbiska Axmed Madoobe, Is-Giijinta dowlada Kenya ee arimaha Jubooyinka, Gun-xumida Ex. Ra’isal wasaare Mudane abdirashiid ali sharmarke, Guuxa hoose ee Ex. Xildhiban Bare Hiiraale, Geediga ma-dege ee beesha Gedo degto, Gees u daaqnimada puntland, Gulufka beenaadka Galmudug, Galgalashada Ahlu-sunnah wal-jamaaca, Gardarada xabashida, iyo kuwo kale badan oo isbiirsaday ayaa jiif iyo [...]

Hay’adda nabad-sugidda qaranka ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn is-hor-taaggii lagu sameeyay xildhibaanno doonayay inay ku shiraan mid ka mid ah huteellada magaalada Muqdisho. Agaasimaha hay’adda General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’addiisu aysan wax lug ah ku laheyn tallaabada lagu baajiyay kulanka ay [...]

Socdaalka guddoomiyaha ayaa waxaa uu ku salaysnaa ogaanshaha xaaladda dhabta ah ee kajirta magaalda Baydhabo Janaay wuxuuna dhex soconaayey shacabka asagoo lugaynaya. Socodka magaalda ku marayay Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa waxa uu ahaa mid si aad ah ay ugu faraxsanaayeen shacbiga ku dhaqan magaalada Baydhabo Janaay. Waxaad arkeysaa dad si raxan [...]

Magaalada Kismaayo ayaa shalay waxaa gaaray Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD oo shalay subax ka anbabaxay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.kuwaas oo u jeedadoodu aheyd inay la kulmaan dhinacyada uu muranku ka dhaxeeyo ee kuwada sugan magaalada kismaayo. Wafdiga IGAD ee shalay tagay ayaa waxaa hogaaminayay Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin,waxayna isla shalay [...]